logo
Menu
  • World
  • Opinion
  • TV
  • Radio
  • SSC
  • Puntland
  • Jeegaanland
  • More
Watch TV

Exclusive Videos

...

Cilmi Naalaye oo runta u sheegay garaad Saleebaan

...

Somalia: Govt withdraws support for ex-al-shabab leader running for office

...

Bulshada Rayidka & PDRC oo cod dheer ku sheegay

...

Taariikhdii Koofil oo kooban

...

Michael Keating (UNSOM) on the situation in Somalia

...

Dood adag baarlamaanka oo Xukumadda Kheyre ceebeeyay

...

WAR DEG DEG MARAYKANKA OO AQOONSANAYA SOMALILAND

SPORTS

FAAQIDAADDA CAYAARAHA BBC SOMALI TV

Sports

Watch the 2018-19 Premier League season live on Sportsnet

Sports

Minnesota Twins oo muran ka keentay cayaartii ay wada dheeleen kooxda Hilaac FC

Sports

France crowned 2018 FIFA World Cup champions, beating Croatia 4 - 2 africanews-10 hours ago

Sports

England good enough to win the World Cup, says Janne Andersson

Sports

Brazil vs. Belgium final score, World Cup recap:

Sports

Yaa awood sharci u leh in uu kala diro guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ?

Arrintan ayaa dood wey ka dhax abuurtay saacadihii aynu soo dhaafnay xildhibaanada Baarlamaanka dhax-dooda.

Iyaga oo ku kala qeybsan cidda awood sharci u leh in ay kala dirto guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah xubnaha guddiga Maaliyada ee la sheegay in la kala diray ayaa warbaahinta u sheegay in xiriir ay la sameeyeen guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dibedda uga maqan ku war-galiyay in tallaabadan uu qaaday ku-xigeenkiisa koowaad uusa wax war ah ka heyn, sidaa daraadeed go’aanka guddoomiye ku-xigeenka 1aad uu ku kala diray guddigan noqon karto mid sharci darro ah.

Xildhibaannada oo cuskanaya qodobo ka mid ah sharciyeed ayaa sheegay in marka hore guddiga dhismihiisu uu ku bilaabanayo soo jeedin ka timaada guddoonka Golaha Shacabka, kaddib-na Goluhu si wada jir ah ugu codeeyo sida ku dhigan qodobka 56aad farqadiisa 2aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka, iyaga oo sheegay in sidaa si la mid ah uu guddiga lagu kala diri karo oo ah in Goluhu u codeeyo.

Laakiin Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarradda iyo Cayaaraha islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegtay in aan waxba laga badali karin go’aankii uu gaaray guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka sidiisa-na uu u taagnaanayo xitaa haddii sida ay hadalka u dhigtay uu soo laabto guddoomiyaha Baarlamaanka.

Balse aragti taa ka duwan waxaa qaba xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in go’aan kasta oo la gaarayo loo baahan yahay in Golaha la dhax keeno ‘’ Haddii go’aan ama qaraar la gaari karo waa midka Golaha uu gaaro, go’aan uu Gole shacab gaaro ayaa lagu kala diri karaa, Guddi ha noqdo ama Guddoomiye ha noqdo, go’aan gaaris arrinteeda la hal maasha waxaa is ka leh Golaha Shacabka, asiga ayaa awood u siinaya cid kasta ha noqotee”ayuu yiri Maxamed Cumar Dhalxa.

 

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac la taliyaha guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Soomaaliya ayaa sheegay in kala darista guddiga Maaliyada Baarlamaanka marnaba waafaqsaneyn xeerhoosaadka.

“Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saran-yahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa”ayuu yiri La Taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Turkiga safar ugu maqan wali war rasmi ah ka soo saarin arrimahan isku murugsan ee ka dhashay Warbixintii guddiga Maaliyada ee la xiriirta wax is daba marinta, waxaase si gaar ah isha loogu wada hayaa sida uu xaalku isku badalo marka uu dib guddoomiyuhu ugu soo laabto howlihiisa shaqo ee Golaha.

Author adminmasterPosted on November 30, 2018Categories Hot Topics / War Cusub, News, Politics, Puntland, World

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Post navigation

Previous Previous post: Itoobiya xabsiga dhigtay Col Gabre oo ahaa sarkaal siweyn looga yaqaanay Soomaaliya
Next Next post: Maamulada Muqdisho iyo Nairobi oo yeelanaya iskaashi labada dhinac ah

WARLYSIYO SBS

Haweenkii Gobolka Sanaag Bahweynta Garxajis

Hot Topics / War Cusub, Jeegaanland, News, Warlysiyo SBS

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo war culus kasoo saartay ninkii la dilay laguna gubay Muqdisho

Warlysiyo SBS

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhagax dhigay Airport ka Badhan

Hot Topics / War Cusub, News, Puntland, Warlysiyo SBS

Dawlada dhexe keliya ayaa bixin karta fasaxa duulimaadyada diyaaradaha

Hot Topics / War Cusub, Jeegaanland, News, Politics, Warlysiyo SBS

AMISOM condemns twin blasts in Somalia's Mogadishu

Jeegaanland, News, Politics, Puntland, SSC, Warlysiyo SBS, World

Qalbi dhagax oo kasoo ambabaxay Itoobiya

Hot Topics / War Cusub, Local, News, Politics, SSC, Warlysiyo SBS, World

MAQAALO / FEKERDO

WASIIR CAWAD “SI DEG DEG AH HAYSOM HA UGA BAXO DALKA”

Hot Topics / War Cusub, Jeegaanland, Maqaalo-Fekerdo, News, Politics, Puntland, World

Somaliland Recognition & Western Gay Activists

Maqaalo-Fekerdo

Mareykanka Oo Iska Fogeeyay Duqeyn Ka Dhacday Saakow

Hot Topics / War Cusub, Maqaalo-Fekerdo, News, Politics, World

Engineer Faysal Cali-Waraabe: Kulannadii Gaarka Ahaa Ee Uu La Qaatay Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo! Siciid Maxamuud Gahayr.

Jeegaanland, Maqaalo-Fekerdo, Politics

Quick Contact




[recaptcha]

For any Question, please mail us at sbsnewstv24@gmail.com

Find us on Social Media

  • Terms of Use
  • Privacy Policy
  • Closed Captioning Policy
  • Help

This material may not be published, broadcast, rewritten, or redistributed. ©2018 Somali Broadcasting Service. All rights reserved. All market data delayed 20 minutes.