Exclusive Videos


Waxaa faah faahino dheerad ah ay kasoo baxayaan qarax gaari oo caawa ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida The Village oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir.
Qaraxaa oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho kamid ah ayaa waxaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo kol sii horaysay la dhigay Baarkin gaadiidka la dhigto oo ku yaala afaafka hore ee maqaayadaasi.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ilaa labo ruux ay qaraxaasi ku dhaawacmeen, waxaana loola cararay cisbitaal halkaasi oo wax looga qabanayo xaaladooda caafimaad.
Waxaa goobtaasi oo uu qaraxa ka dhacay gaaray laamaha amaanka oo xiray waadooyinka gala kana baxa maqaayadaasi.
Maqaayada The Village ee magaalada Muqdisho ayaa sidan oo kale waxaa lala beegsaday qaraxyo is miidaamin ah, waxaana masuuliyada qaraxyadaasi sheegtay Al-Shabaab.